
Louis van Gaal ayaa shaqada tababarenimo ka bedelay Marwijk ka dib markii Holland ay si wajigabax ah kaga soo hartay koobkii Euro 2012, waxaana weeraryahankii hore ee Holland haatan loo magacaabay inuu noqdo gacanta midi gee Van Gaal.
Weeraryahankii hore ee AC Milan ayaa haatan qeyb ka ah shaqaalaha tababarka kooxda horyaalka Holland ee Twente, lakiin waxa uu isku wadi doonaa labada shaqo ee tan xulka iyo tan kooxda Twente.
“Shaqadiisa xulka Orange waxa uu ka sii garab wadi doonaa booskiisa Twente” ayuu gudoomiye Joop Munsterman u sheegay�De Telegraaf.
Van Gaal ayaa ahaa tababare markii uu soo saaray Kluivert kooxda Ajax ka hor inta uusan u soo iibin Barcelona islamarkaana uusan u soo xulan xulka qaranka Holland.