
Mustaqbalka Pogba ee ka sii mid ahaanshaha Old Trafford ayaa ahayd mid in muddo ahba la hadal hayay waxana si xoog ah loo sheegayay in Juventus uu u wareegayo.
United ayaa xaqiijisey in Pogba uu ku wareegay Turin kadib markii heshiiskii uu kula joogay United la soo afjaray.
Pogba ayaa ka soo tegey Le Havre isagoo ku soo biirey akadeemiyada dhalinyarada ee United 2009kii waxana uu ahaa ciyaaryahan ay si weyn u amaaneen tababarayaasha akadeemiyada.
United ayaa jecleyd in uu ka sii mid ahaado Pogba balse 19jirkan ayaa diidey heshiis cusub oo loo soo bandhigey waxana uu ka doorbidey in heshiis cusub uu kula biiro kooxda Juventus.
Pogba ayaa 7 jeer oo qura u saftay United xilli ciyaareedkii hore, balse ciyaaryahanka qadka dhexe ka ciyaara ayaa goostay inuu ka tago United si uu u helo koox boos joogta ah siisa.
Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in laga xaday Pogba isagoo ku canaantay ciyaaryahankan dhalinta yar ee reer France inuusan wax xushmad ah siin kooxda.
Waxana uu Ferguson sheegay in uu ogaa in mar hore heshiis ay kala saxiixdeen Pogba iyo kooxda Juventus waxana uu ka digey in arrimahaas oo kale mar kale dhacaan.