
41 jirkaan oo bilaabay inuu garsoore noqdo 1988dii, ayaa ka mid ah 12 garsoore u sharaxan Euro 2012.
Waxa uu qabtay semi-finalkii Champions League lugtii labaad ee u dhaxeysay Manchester United iyo Schalke ee dhacday xilli ciyaareedkii 2010-11, markaasoo Red Devils ay ku badisay 4-1.
Proenca ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay Champions League-ga xilli ciyaareedkan, waxa uu garsoore ka ahaa kulankii ay Inter 2-1 kaga badineysay Marseille ee wareega 16ka.
Garsoorahan u dhashay dalka Portugal ayaa ciyaarta finalka ee sabtida waxa ay u noqon doontaa ciyaartii ugu weyneyd ee msutaqbalkiisa garsoore ee uu qabto.