
Pele oo ka hadlayay magaalada London ayaa yiri: “Hadda, arrimuhu ma ahan mid wanaagsan, waxaa na haysta mashaakilaad xagga dhismaha ah.” Pele ayaa yiri in isgaarsiinta iyo mashaakilaadka gaadiidka ay yihiin kuwa ugu dhibka badan ee haysta balse waxa uu rajo ka muujiyey in la xallin doono.
“Dadku waxay leeyihiin waa fudud yihiin, laakiin uma malaynayo aniga sidaas. Waxaan haysanaa waa labo sano oo kaliya,”ayuu sii raaciyey.
“Waxaan la hadlay madaxweynaha Dilma [Rousseff] waxayna ii sheegtay in ay wixii awoodeeda ah samayn doonto si loo diyaar garoobo, laakiin weli diyaar manihin.”ayuu ku celiyey Pele.
Waxaa hore u jirey in sidan oo kale shaki loogaga keenay diyaargarowgii tartankii Olombikada ee 2004tii ee Athens ka dhacay iyo ciyaarihii adduunka ee 2010kii Koonfur Afrika lagu qabtay.
Ruugcadaagan reer Brazil ee 71 jirka ah ayaa ka noqday dunida safiirka kubbada cagta waxana uu sheegay in uu rajaynayo in ku guuleysiga billada dahabka ah ee xulka Brazil uu saameyn weyn yeelan doono.
“Shirkadii qabanqaabisey Olympicada London ka socda ayaa sidoo kale diyaargareyn doonta tan Brazil, qaabka loo diyaariyey London waxa uu ahaa mid cajiib ah.
“Balse annaga reer Brazil waxaan haysanaa wax badan oo aan dunida tusno iyo wax badan oo aan ugu deeqno.”
Tartanka Olombikada London ayaa waxaa daafacday orodka fagaxda ah ee 100m iyo 200m Usain Bolt oo u dhashay dalka Jamaica. Isagoo la weydiiyey Pele in Bolt uu la mid noqday isaga iyo feeryahanka caanka ah ee Mohamed Ali oo ah ciyaaryahanada ugu magaca dheeraa caalamka ayuu ku jawaabay “haa shaki malahan taas”.
Pele ayaa guddiga caalamiga ah ee Olombikada u aqoonsaday halyeygii qarniga ee Atletikada sanadkii 1999.