
Guardiola ayaa doonaya inuu kulan fool ka fool ah la yeesho milkiilaha Chelsea
Roman Abramovich ka hor inta uusan go’aansan inuu noqdo tababaraha kooxda
Chelsea ama hadii kale. Sida ay qortay The Sun.
Kooxda
heysata Champions League ayaa ceyrsaneysa tababarihii hore ee Barcelona iyagoo
doonaya inay u soo bandhigaan heshiis 11 milyan ginni ah sannadkii.
Sida The Sun ay qortay waxaa sidoo kale loo balanqaaday inaan wax cadaadis ah lagu saari doonin inuu koob weyn u qaado kooxda labada sanno ee ugu horeysa shaqadiisa, inta uu kooxda qaabkeeda isku duwayo.
Lakiin
Guardiola ayaan weli laga dhaadhicinin dalabkaas, inkastoo uu kulan la qaatay
isniintii saraakiil ka socota Blues.
Waxa
uu dalbaday inuu si shaqsi ah u la hadlo Abramovich, si uu dalabkaas uga maqlo
milkiilaha laf ahaantiisa sida ay qoreyso The Sun.
Abramovich
ayaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Guardiola, kaasoo doonaya
inuu sannad ka nasto kubada cagta.
Waxaana
ay taasi keeneysaa in mustaqbalka Roberti di Matteo uu shaki galo.
Lakiin
waxaa lagu soo waramayaa in Di Matteo uusan xiiseyneynin inuu kooxda sii hayo 12
bilood kale inta uu Guardiola ku maqan yahay nasashada mudada sannadka ah.