
Xulka uu leyliyo Paulo Bento iyo tababare Fabio Capello oo xulka Ruushka tababara ayaa jimcaha lagu wadaa in ay ku kulmaan magaalada Moscow iyagoo ugu sareeya guruubka F kulan ka mid ah isreebreebka koobka adduunka ee 2014.
Ronaldo ayaa dhaawac garabka ah uu ka soo gaaray kulankii ay 2-2 ku kala baxeen Barcelona iyo Real Madrid hase yeeshee dhaawacaa ayuu Ronaldo u fariisan waxaana uu u safray dalkiisa isagoo tababar la bilaabay xulka wadankiisa, waxaana baaritaano lagu sameeyey lagu ogaaday inuusan qabin dhaawac daran.
“Wax walba oo uu dib ugaga soo kaban karo jugta gaartay Ronaldo waan samaynaynaa,”ayuu yiri Henrique Jones isagoo la hadlayay AS.
“Balse si gaar ah ayaan ula soconaynaa tababarka marka uu qaadanayo.”
Daafaca dhexe ee Pepe ayaa isagana lugta ka cabanaya hase yeeshee taqtarka ayaa sheegay in xaaladiisa aysan ahayn mid weyn oo taxadar gaar ah ay siinayaan. Taqtarka ayaa sii raaciyey in Pepe uu safan karo kulanka Ruushka.