
Iyadoo goolhayaha uu isku dayayay inuu bixiyo karooskii keenay in Jonas uu u barbareeyo Los Che ayaa labada ciyaaryahan ay isku dhaceen taasoo keentay in xanuun dhulka u jiiftaan xilli kooxda ka soo horjeeday ay dabaaldagayeen.
Pepe ayaa waxaa bedelay Raul Albiol xilligii nasashada, waxaana laga qaaday Santiago Bernabeu isagoo la geeyay markaas ka dib cusbitaal.
Real Madrid ayaa sheegtay in baaritaankii ugu horeeyay ee lagu sameeyay inuusan jirin wax dhibaato ah oo ka soo gaaray maskaxda, lakiin waxa ay sheegeen in 29 jirkaan uu baaqi ku sii ahaan doono ilaa iyo hal habeen.
Cristiano Ronaldo ayaa taageeradiisa u soo bandhigay Pepe, isagoo u hadlayay Press Association: “Pepe waxa uu ku jiraa cusbitaal, waana arki doonaa sida uu u soo kabto. Ciyaaryahan muhim ah ayuu inoo yahay lakiin caafimaadkiisa ayaa wax walba ka muhimsan.”