
Pepe Reina ayaa heysta ilaa iyo bisha Janaayo inuu tuso Brendan Rodgers inuu ku fiican yahay Liverpool-sha cusub, islamarkaana uu kooxda ka celiyo inay raadsadaan goolhaye koowaad oo booska kula tartama.
Waxaana Liverpool ay sidoo kale ka fogaaneysaa mustaqbalka inay dhacdo wixii dhacay maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga, iyagoo doonaya inay markaan wax soo iibsadaan ka hor inta aanba la gaarin dhamaadka suuqa kala iibsiga.
Goolhaye Reina ayaa ku bilowday si xun xilli ciyaareedkan, isagoo sameeyay qaladaad xun kulamadii Hearts iyo Arsenal. Goolhayaha reer Spain ayaan sidoo kale ku faraxsaneyn qaab ciyaareedka Rodgers ee an inay daafacyada mar walba kubada u celiyaan goolhayaha islamarkaana isaga ka soo qaataan kubada.
Reina ayaa adeege fiican u ahaa Liverpool tan iyo intii uu Villarreal kaga soo biiray 2005tii. Lakiin waxaa jira dareen ah inuusan heysan goolhayayaal la tartama marka loo fiiriyo Brad Jones iyo Alexander Doni.
Rodgers ayaa laga yaabaa inuu raadiyo goolhaye da’ yar oo mustaqbal leh si uu cadaadis u saaro Reina. Lakiin hadii 30 jirkaan uu horumar sameyn waayo, waxa uu markaasi isku dayi doonaa inuu soo qaato goolhayihiisii hore ee Swansea Michel Vorm.
Liverpool ayaana kalsooni ku qabta inay si wacan uga shaqeyn doonaan suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, waxaana ay durbaba bilaabayaaan inay sii calaamadeystaan cida diirada u saaran.
Rodgers ayaa doonaya in raga u xil saaran inay raadiyaan ciyaartoyda tayada leh Dave Fallows iyo Barry Hunter, inay shaqadooda sii bilaabaan bishaan.
Waxaa la filayay in Fallows iyo Hunter aysan kooxda si rasmi ah uga soo biiri doonin Manchester City ilaa 2013. Lakiin wajigabixii ay suuqa kala kulmeen xagaagii ay keenay inay dadejiyaan la soo wareegidooda.
Fallows waxa uu noqon doonaa madaxa ciyaartoy soo xerogelinta. Hunter isna waxa uu madax ka noqon doonaa dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga ee kooxda.