
Labadan kooxood oo ugu sareeya hogaanka horyaalka Premier League ayaa goolal badan dhalinayay xilli ciyaareedkan, laakiin sidoo kale waxa ay ka jilcan yihiin dhanka daafaca oo shabaqooda inta badan waa la soo taabtaa, gaar ahaan isbuucii hore.
Xilli ciyaareedkii hore kulankii labada koooxood ku dhexmaray Stamford Bridge waxa uu ku dhamaaday barbaro 3-3 ah, halka kulankii Old Trafford ay 3-1 ku badisay United, laakiin fursadihii la iska helay min shan gool waa ay iska dhalin kareen.
Guuldaradii Chelsea ee 2-1 ee ka soo gaartay Champions League ee kooxda Shakhtar ayaa iyadana noqon kartay mid intaas ka badan hadii uusan ahaan laheyn Petr Cech oo fursado badan badbaadiyay, halka United iyada lafteeda labo gool laga dhaliyay inkastoo ay 3-2 ku badiyeen.
Cech ayaana yiri: “Waxaan qabaa inay noqon doonto ciyaar kale oo xiiso leh, waana inaan si fiican wax u difaacanaa. Laakiin dhinaca kale, iyagaba goolal ayaa laga dhalinayay, oo fursado goolal ayay sii deynayeen, sidaasi darteed waxa ay noqon doontaa kulan xiiso leh hadii labada kooxood ay sidaas u ciyaaraan.
“Goolasha waxa ay noqon karaan kuwa lagu maadeysto.”
Kulanka isbuuc dhamaadkan ayaa sidoo kale waxa ay u tahay markii ugu horeysay ee Robin van Persie uu ku wajaho Chelsea Stamford Bridge, tan iyo markii uu seddexleey u dhaliyay Arsenal xilli ciyaareedkii hore.
Cech ayaa qirtay in Van Persie uu ka dhigay United oo awalba heysatay Rooney, kuwa weerar ahaan ka hanjabaad badan sidii hore.
“Goolal ayuu kooxda ku daraa, hadii uu jiro qof dhalin kara goolal kulan kasta markaas waa iska cadahay inay u tahay fursad kale oo weerar oo ay heystaan.
“Isaga iyo Rooney waa labo nin oo xiiso leh, waadna arki kartaa goolasha ay dhalinayeen.”