
Chelsea ayaa u safri doonta sabtida soo socda Bayern Munich finalka Champions League iyadoo uu ka maqnaan doono daafaca dhexe ee xulka England, kaasoo casaan ku qaatay qalad uu galay iyadoo kubada aysan ka agdhaweyn.
Lahm ayaa aamisan in wax faa’ido ah aysan u aheyn Bayern Munich maqnaanshaha Terry, si kastaba waxa uu far muuqay seddexda ciyaaryahan ee iyaga dhankooda ka maqan.
“Miyaan ku qeexi lahaa in qaladkii Terry uu yahay mid mas’uuliyad darro ah? Kaliya aan dhaho, ma aanan sameyeen wax sidaas oo kale ah” ayuu Lahm u sheegay suxufiyiinta.
“Iguma aysan dhacdeen wax sidaas oo kale ah, sababtoo ah madaama aan ahay kabtan waxaan wax walba u sameeya kooxda darteed. Hadii aan sidaasi sameyana waan ogahay inay kooxda dhaawaceyso mana ogolaadeen inay dhacdo”
“Lakiin isaga ayay jirtaa taas. Kaliya waxaa diirada inoo saaran inaan badino, mana xiiseyneyno cida ka maqnaan doonta Chelsea ama cida u ciyaari doonta”
“Ma dhihi karo faa’ido ayay inoo tahay in Chelsea uu kabtankooda ka maqnaado, sababtoo ah anagana ciyaartoy muhim ah ayaa inaga maqan”
“Waxaan inaga maqanaan doona ciyaartoy muhim u ahaa inaan soo gaarno finalka sida Holger Badstuber, Luiz Gustavo iyo David Alaba, sidaasi darteed anagaba waa ay ina dhibeysaa”.