“Waqtigeygii Milan waxa uu iigu soo dhamaaday sida ugu fiican, gool aan dhaliyay ciyaarteydii iigu danbeysay, sidaasi darteed waxa ay aheyd wax aad u fiican” ayuu Inzhagi oo 38 jir ah u sheegay saxaafada Talyaaniga.
“Haatan waxaan bilaabayaa riyo kale, taasoo ah inaan noqdo tababare islamarkaana ku guuleysto Champions League” Inzhagi oo dhaliyay 156 gool oo Serie A ah 370 kulan oo uu saftay ayaa intaa ku daray: “Ma aadi karin koox kale oo aan u ciyaaro, madaama aanan ka tagi karin Milan. Maanta waxaa dalab ka helay England lakiin kama tagi karo Milan”
“Waxaan saxiixay heshiis labo sanno ah oo aan tababare ugu noqonayo kooxda juunyeerka, ka dib waxaan rajeynayaa inaan maalin uun hogaamiyo kooxda waa weyn ee Milan”.
Milan ayaa ku jirta dib u dhis aad u weyn, iyadoo xiddigo waa weyn oo ay ka mid yihiin Clarence Seedorf, Alessandro Nesta, Gennaro Gattuso iyo Mark van Bommel ay kooxda ka tageen.
Si kastaba, waxaa carro weyn dhalisay markii Zlatan Ibrahimovic iyo Thaigo Silva ay ka iibiyeen kooxda PSG, lakiin Milan ay ku andacootay in lacagta ay ka heleen labada ciyaaryahan inay ku soo iibin doonaan ciyaaryahano cusub islamarkaana ay ku dhimi doonaan deynta lagu leeyahay kooxda.