Waxaa la soo wariyay in kooxda Bainconeri ay qorsheyneysay inay howlgab ka dhigto maaliyada No 10 ee uu soo xirtay halyeeygooda si ay ugu sharfaan, lakiin kabtan Del Piero ayaa ka soo horjeestay fekerkaas.
“Waxaan ku raacsanahay fekerka Alex” ayuu Pirlo u sheegay Sky Sport Italia.
“Waa wax sax ah inaanan maaliyada No 10 laga dhigin howlgab”
“Ciyaartoyda da’da yar waa in fursad loo siiyaa inay ku riyoodaan inay xirtaan numberkaas”
Waxaa jiray warar xan ah oo ku saabsan in Pirlo laga yaabo inuu dhaxlo maaliyadaas, lakiin si deg deg ah ayuu u beeniyay warkaas.
“Waxaan weli sii xiran doonaa maaliyadeeda No 21″ ayuu hadalkiisa ku koobay.