
Pirlo ayaa sheegay in uu si wanaagsan u yaqaan qaabka loola hadlo Balotelli maadaama ay ku wada hadlaan lahjada reer Brescia oo labaduba ay ka soo jeedaan.
Laacibka qadka dhexe ee Juventus ayaa waxaa Sky Sports Italia ay weydiisey sida uu u arko warar dhowaan la isla dhex marayay oo sheegayay in Juve ay dooneyso in ay la soo wareegto weeraryahanka Balotelli.
“Waxaan si toos ah u keeni karaa Balotelli Juvenuts. Ma jiro wax iga celinaya waxaan aqaan sida loola hadlo isaga,”ayuu yiri Pirlo.
“Labadeenaba waxaan ka nimid Brescia markii aan u ciyaareynay Itlay waxaan ku wada hadlaynay lahjada Brescia oo qura.”ayuu sii raaciyey.
Pirlo, Balotelli iyo tababare Cesare Prandelli ayaa waxa ay ka wada yimaadeen gobolka Brescia.
“Ma jirin wax dhibaatooyin ah ee ah habdhaqanka Balotelli tartankii Euro 2012 waxa ay dabeecadiisu ahayd mid wanaagsan. Waxana aan jeclaan lahaa in aan isku koox ka wada ciyaarno kuna ciyaarno Turin.”
33jirkaan ayaa ahaa xiddiga xulka Italy waxana uu haatan uu rajaynayaa tartamada soo socda sidii uu ugaga dhex muuqan lahaa.
“Waxaan rajaynaa in anigoo awoodaan leh aan gaaro taranka koobka adduunka ee 2014 ee Brazil.”ayuu yiri Pirlo oo weli rajo weyn ka qaba in garoomada ku sii dhex jira xilli ay laacibiintii ay isku waqtiga ahaayeen ay noqdeen kuwo ka cuslaaday tartamada waaweyn ee caalamka.