
Xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaana horkacaya, 16 xiddig oo ka ciyaarta Spain iyo Portugal oo xulka ku jira.
Tababare Paulo Bento ayaa xulka sidoo kale ku soo daray 20 jirka kooxda Benfica Nelson Oliveira, kaasoo ka qeybqaatay koobkii adduunka ee ciyaartoyda da’dooda ka hooseyso 20 jir.
Xulka Portugal ayaa waxa ay Group B Euro 2012 la ciyaari doonaan Netherlands, Germany iyo Denmark.
“La yaab ma ahan hadii xulka ku guuleysanaya Euro 2012 uu ka soo baxo group-keena” ayuu yiri Bento. “Waxaan leenahay hami cad oo ah inaan marka hore gaarno wareega 8da ka dib halkaas ka sii socono”
Xulka Portugal ayaa tababar ku qaadan doona garoon tababar oo ku yaala tuulo Portuguese ah oo lagu magacaabo Obidos inta u dhaxeysa 21ka May ilaa 2da bisha June ka hor inta aysan u ambabixinOpalenica, oo ah xaruntooda Poland.
Xulka Portugal ee ka qeybgalaya Euro 2012:
Goolhaye: Rui Patricio (Sporting), Eduardo (Benfica), Beto (Cluj)
Daafac: Joao Pereira (Sporting), Bruno Alves (Zenit St Petersburg), Fabio Coentrao (Real Madrid), Pepe (Real Madrid), Ricardo Costa (Valencia), Rolando (Porto), Miguel Lopes (Braga)
Khad Dhexe: Carlos Martins (Granada), Joao Moutinho (Porto), Miguel Veloso (Genoa), Raul Meireles (Chelsea), Ruben Micael (Zaragoza), Custodio (Braga)
Weerar: Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Hugo Almeida (Besiktas), Helder Postiga (Zaragoza), Nani (Manchester United), Nelson Oliveira (Benfica), Ricardo Quaresma (Besiktas), Silvestre Varela (Porto)