
Waxaan saaka idiin soo koobnay wararkii ugu muhiimsanaa ee ay qoreen wargeysyada Ingariiska, sugnaanshaha wararkaan laacib.net mas’uul kama ahan waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.
Jose Mourinho ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo xidiga reer Brazil Fred si uu badal uga dhigo Paul Pogba, City ayaa sidoo kale dooneysa. (Mirror)
Real Madrid ayaa xiiseyneysa iney lasoo saxiixato Paul Pogba, balse Perez marnaba ma doonayo inuu xidigaan keeno xitaa hadii uu hoos u dhigo mushaarkiisa. (Express)
Man City ayaa quuldareyneysa iney lasoo saxiixato 19-jirka PSG Kylian Mbappe iyo 27-jirka Bayern Munich Thiago Alcantara. (Sky Sports)
Dortmund ayaa dooneysa iney si joogto ah ula wareegto Michy Batshuayi, balse Blues waxey doonesaa iney ku hesho xidigaan 50 Malyan oo Pound. (Evening Standard)
Luke Shawayaan wali go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa Man United. 22-jirkaan heerka caalami waxaa la filayaa inuu dhamaadka xilli ciyaareedka go’aan qaato. (ESPN).
Barcelona ayaa kusoo biirtay kooxaha doonaya Anthony Martial iyadoo diyaar la ah 60 Malyan Oo Pound. Sidoo kale 17-jirka Fulham Ryan Sessegnon ayey ka doonayaan suuqa xagaaga. (Mail)
Tottenham Iyo Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha wakiilada soo daawada u diray garabka reer Benfica & qaranka Serbia Andrija Zivkovic kulankii ay Axaddii la ciyaareen Porto. (The Sun)
Chelsea ayaa dooneysa iney aduun dhan 35 Malyan oo Pound kula soo wareegto xidiga Nice Jean Michael Seri, balse xidiga reer Ivory Coast wuxuu sugi doonaa macalinka xiga ee kooxda. (Mirror)
Kooxaha Reer China Tianjin Quanjian iyo Chongqing Dangdai ayaa si weyn u xiiseynaya kabtanka Barcelona Andreas Iniesta. (Mirror)