
Ciyaaryahanka reer Portuqiis ayaa si cad u sheegay inuusan ku qanacsanayn Real Madrid sida uu sheegay Axadii”Kuma faraxsani kooxda Madridna way ogtahay sababta.” Waxaana arrintan sababtay in labada koox ee ka kala dhisan Faransiiska iyo Ruushka ay diirada saaraan xaalada Ronaldo.
Sida ay soo werisey the Barcelona daily agaasimaha ciyaaraha PSG Leonardo ayaa diyaar u ah in ka soo wado La Ligaha ciyaaryahanka 27jirka ah, waxana taa bedelkeeda ay kooxdu diyaar ula tahay in ay siiso mushaarka ugu badan ee ciyaartoyda caalamka uu qaato.
Guddoomiyaha kooxda PSG Sheik Tamim bib Hamid al Thani oo la sheegay in uu yahay taageere weyn oo Ronaldo ah ayaa waxa uu ku riyoomayaa in uu laacibkan uu ka dhinac ciyaaro weeraryahankii hore ee Manchester united Zlatan Ibrahimovic.
Sidoo kale kooxda labaad ee haatan danaynaysa Ronaldo ayaa ah Anzhi taasoo ah koox fadhigeedu yahay Degestan waxaana daafacii hore ee Los Blancos Roberto Carlos uu yahay mid loo isticmaali karo in uu heshiiska keeno Ronaldo.
Ronaldo ayaa labo gool u dhaliyey Real Madrid kulankii ay 3-0 uga badiyeen Granada ciyaar ka dhacday Santiago Bernabeu Axadii, waxana ciyaarta kadib uu qirtey Ronaldo inuu ka fekerayo in uu ka tago kooxda.
Warkan oo aan ka soo xiganaya Football ESPANA ayaa waxaa ay shabakadan qortay in soo baxeen wararka sheegaya in Ronaldo uusan ku faraxanayn sida kooxdu ula dhaqantay ciyaaryahanka ay saaxibada yihiin ee Kaka iyo inuu sidoo kale ka xumaaday sida ay warbaahinta ula dhaqantay ciyaaryahanka ay isku wadanka ka soo jeedaan ee Fabio Coentrao.