
Ciyaaryahankan reer Portuqal ayaa warar soo baxayay maanta waxa ay la xiriirinayeen in ay suurtogal tahay in uu u wareego dalka Faransiiska ama dalka Ruushka oo weli suuqooda ciyaaryahanada uu furan yahay.
Si kasta ha ahaatee Leonardo, oo dhowaan kooxda PSG keenay Zlatan Ibrahimovic iyo Ezequiel Lavezzi ayaa sheegay inaysan qorsheyneyn in kooxdooda ay keenaan 27jirkan ka mid ah Real Madrid.
“Marbana kuma fekerin arrintaas, waxaan k faraxsanahay illaa iyo hadda guulaha aan ka gaarnay suuqa xaggaagan,”ayuu Leonardo u sheegay RAC1.
“Marka ay Paris Saint-Germain dooneyso ciyaaryahan, waxaan si toos ah ula hadlanaa kooxda xaqa u leh tana ma ahayn arrinkaas.
Leonardo ayaa waxa uu sii raaciyey: “PSG lama aysan hadlin ruux ka mid ah Real Madrid.” Wararka maanta ay qorayeen jaraa’idka Yurubka soo baxa gaar ahaan kuwa Spain ayaa waxa ay sheegayeen in Ronaldo uusan ku qanacsanayn joogitaankisa Real Madrid.
Waxana ay wararkan so baxeen kadib markii kulankii Axada ee kooxda Real Madrid iyo Granada uu dhaliyey labo gool Ronaldo balse uusan wax dabaaldeg ah samayn.
Madaxa isboortiga kooxda Paris Saint-Germain ee dalka Faransiiska Leonardo ayaa beeniyey in wax xiriir ah oo ku saabsan Cristiano Ronaldo la sameeyeen Real Madrid.Ciyaaryahankan reer Portuqal ayaa warar soo baxayay maanta waxa ay la xiriirinayeen in ay suurtogal tahay in uu u wareego dalka Faransiiska ama dalka Ruushka oo weli suuqooda ciyaaryahanada uu furan yahay.Si kasta ha ahaatee Leonardo, oo dhowaan kooxda PSG keenay Zlatan Ibrahimovic iyo Ezequiel Lavezzi ayaa sheegay inaysan qorsheyneyn in kooxdooda ay keenaan 27jirkan ka mid ah Real Madrid.
“Marbana kuma fekerin arrintaas, waxaan k faraxsanahay illaa iyo hadda guulaha aan ka gaarnay suuqa xaggaagan,”ayuu Leonardo u sheegay RAC1.
“Marka ay � Paris Saint-Germain dooneyso ciyaaryahan, waxaan si toos ah ula hadlanaa kooxda xaqa u leh tana ma ahayn arrinkaas.
Leonardo ayaa waxa uu sii raaciyey: “PSG lama aysan hadlin ruux ka mid ah Real Madrid.”
Wararka maanta ay qorayeen jaraa’idka Yurubka soo baxa gaar ahaan kuwa Spain ayaa waxa ay sheegayeen in Ronaldo uusan ku qanacsanayn joogitaankisa Real Madrid.
Waxana ay wararkan so baxeen kadib markii kulankii Axada ee kooxda Real Madrid iyo Granada uu dhaliyey labo gool Ronaldo balse uusan wax dabaaldeg ah samayn.