
Kooxda Faransiiska ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro daafaca bidix ee Ingariiska, waxaana ay diyaar u yihiin inay u soo bandhigaan dalab qaali ah oo waqti dheer ah, iyadoo ay sii kordheyso shakiga la gelinayo mustaqbalkiisa Chelsea.
Cole ayaa ku guuldareystay inuu heshiis cusub la gaaro kooxda Stamford Bridge ka dhisan, inkastoo haatan qandaraaskiisa Chelsea ay kaga harsan tahay kaliya sideed bilood.
Daafaca, oo la filayo inuu ku soo laabto kulanka caawa ee England ay la ciyaareyso Poland ka dib markii uu ka farsiitay kulankii San Marino ayaa waxaa la soo bandhigay kaliya hal sanno oo heshiiskiisa Chelsea loogu kordhinayo.
Cole, oo bisha December noqon doona 32 jir ayaana doonaya inuu ugu yaraan helo heshiis labo sanno ah, waxaana uu diyaar u yahay inuu kooxda ka tago hadii uusan helin.
Waxa uu u fasaxan yahay inuu wadaxaajood hordhac ah la galo kooxaha ajaaniibta bisha Janaayo ka hor inta uusan si xor ah ugu dhaqaaqin xagaaga, waxaana ka tagis uu ka tago kooxda Galbeedka London ay u muuqataa mid soo dhawaaneysa marba marka ka danbeysa.
Ilo laga helayo Blues ayaa iyagana sheegaya in Chelsea ay iyada lafteeda dooneyso inay iska iibiso Cole bisha Janaayo hadii Ryan Bertrand uu sii wado horumarkii uu sameeyay lixdii bilood ee ugu danbeysay.