Ciyaaryahankan aadka u jecel yihiin taageerayaasha Napoli ayaa lagu wadaa inuu ka tago Partenopei hadii ay ku guuldareystaan inay u soo baxaan Champions League.
Inter ayaa si aad ah loola xiriirinayay ciyaaryahanka reer Argentina, lakiin waxa ay diidanayeen inay bixiyaan 31 milyan ginni lagu burburin karo heshiiskiisa, iyagoo doonayay inay ciyaaryahano ay ku bedeshaan.
Si kastaba, sida uu qorayo wargeyska Tuttosport PSG ayaa diyaar la ah lacagtaas waxaana ay heshiis shaqsi ah la gaareen Lavezzi kaasoo u saxiixi doona heshiis shan sanno ah oo uu xilli ciyaareedkii ku qaadan doono 5 milyan euro.
Sidoo kale waxaa la soo jeedinayaa in heshiiska ay qeyb ka tahay 8 tiket oo uu ku tagi karo kana soo laaban karo Buenos Aires iyo heshiis xayaysiinta dharka ah oo saaxiibtiisa Yanina ay la galeyso haute couture.
Wargeyska ka soo baxa Turin ayaa intaa ku daraya in madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis uu u sheegay heshiiska ciyaaryahankan saaxiixo ku dhow dhow.