
Zlatan Ibrahimovic, sida uu xaqiijiyay agaasimaha kooxda Faransiiska Leonardo.
“Heshiis ayaa la gaaray, waxaana uu Ibrahimovic tijaabada caafimaadka kooxda
u mari doonaa arbacada [maanta[“ ayu Leonardo xalay ugu sheegay suxufiyiinta
banaanka hore ee Parc des Princes Stadium.
“Waxa ay u tahay sannad weyn kooxda PSG. In ciyaaryahan sidaan u weyn uu
kooxda yimaado, waxa ay bedeleysaa wax walba.”.
PSG ayaa soo dhigtay warbixin website-kooda oo ay ku sheegayaan inay maanta
5ta galabnimo xilliga Soomaliya inay qaban doonaan shir jaraa’id taasoo la
filayo in lagu soo bandhigo ciyaaryahanka.
“Waa heshiis aan xaqiijin karo” ayuu wakiilka Ibrahimovic isna u sheegay wakaalada wararka Sweden TT.
Wararka saxaafada ay qoreyso ayaa sheegaya in Ibrahimovic uu qaadan doono 200
kun ginni isbuucii