
Daafacan 34-jirka ah ayaa qalliin lagu sameeyey waxaa uu sababay in uu dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore iyo guushii ay xulka dalkiisa ka soo hooyeen tartankii Euro 2012 ka qeybgeli waayo.
“Kabtanka kooxda si gaar ah ayuu tababarka u qaatay maanta, kahor marka ay u duulayaan kooxda dalka Germany Talaadada si ciyaar saaxibtinimo ula soo yeeshaan kooxda Humburg,” ayay Barca ku sheegtay shabakadeeda warbaahinta (www.fcbarcelona.com) qoraal ay ku daabacday
“Puyol waxa uu mari doonaa baaritaan kale Isniinta soo socota ee July 30keeda si loo xaqiijiyo inuu diyaar u yahay in uu tababar buuxda qaato – waxana isla maalinkaa bilaabi doona tababar xulka dalka Spain,”ayaa la sii raaciyey qoraalkii lagu baahiyey bogga Barcelona.
Ninka ay isku kooxda yihiin Puyol ee Dani Alves ayaa shir jaraa’id oo la qabtay tababarka kadib waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay soo laabashada Puyol isagoo intaa ku daray in saaxibkii uu wanaagsan yahay si fiicana ugaga soo kabtay qalliinkii lagu sameeyey.
“Waxaan u malaynayaa inaadan u baahnayn inaad fiiriso da’ada Puyi sababtoo ah wax isu dhigma ma ahan,Aniga waxaa uu ila yahay ilmo labo sano jir ah