
1- � Steven Gerrard, (32 jir)
Waa mid ka mid ah hogaamiyayaasha dunida ugu qatarsan Steven Gerrard wuxuu markiisii ugu horeysay u saftay xulka England sanadkii 2000 kulan ay xulkiisu la ciyaarayeen xulka Ukraine, Gerrard ayaana 94 kulan oo caalami ah u saftay xulka qarankiisa.
Si kastaba koobka Euro 2016 ee lagu qaban doono France ayay u badan tahay inuusan Gerrard ciyaari doonin madaama da’diisa ay markaas noqon doonto 36 sanno jir.
2- � John Terry (31 Jir)
John Terry waxa uu xulka Three Lions u saftay 75 kulan, waxaana marka laga soo tago da’diisa oo sii weynaaneysa hadana waxaa dhibaato ku haya fadeexado hareeyay kuwaasoo halis gelin kara ka sii mid ahaanshihiisa xulka qaranka.
Terry ayaa kabtan u ahaa England, lakiin fadeexado soo wajahay sannadihii ugu danbeeyay oo ay ugu danbeysay eedeynta la xiriirta inuu isir naceyb ku aflagaadeeyay Anton Ferdinand ayaa keeni karta inuu waayo booskiisa.
3- � Andriy Shevchenko (35 jir)
Waxa uu xulka Ukraine u saftay 110 kulan, waxaana Shevchenko oo isku baray caalamka kubada cagta intii uu joogay San Siro ayaa ka mid ah laacibiinta ugu qatarsan ee soo maray xulka haatan dhinac ka martigelinaya koobka Euro 2012.
Shevchenko oo haatan jira 36 sanno ayaa wadada kaliya ee u furan inuu koob Euro ka soo muuqdo ay tahay inuu tababare u noqdo dalkiisa.
4- � Andrea Pirlo (33 jir)
Andrea Pirlo waxa uu Azzurri u saftay ilaa iyo haatan 85 kulan waxaana uu ka mid yahay ciyaarahanada ugu fiican khadka dhexe ee abid soo maray xulka Talyaaniga.
Pirlo oo 10 gool u dhaliyay Italy ilaa iyo haatan ayaa ka mid ah ciyaartoyda xulka qaranka u sahashay inay hantaan koobkii aduunka ee 2006, lakiin lama filayo inii Italy matali doono Euro 2016.
5- � Miroslav Klose (34 jir)
Waxa uu Jarmalka u saftay ilaa iyo haatan 118 kulan isagoo xulkiisa u dhaliyay ilaa 63 gool. Waxa uu seddex koob aduun u ciyaaray xulka Jarmalka koobkii adduunka ee 2002, koobkii adduunka ee 2006, iyo koobkii adduunka ee 2010, waxaana uu wadar ahaan seddexdaas koob aduun ka dhaliyay 14 gool.
Da’diisa oo weyn darted ayaa la filayaa in Klose uu booska u baneyn doono ciyaartoy ka da’ yar.
6- � Xavi Hernandez (32 jir)
Kubadsameeyaha xulka Spain Xavi Hernandez ayaa ah mashiinka kala wada haatan xulka Spain islamarkaana wax badan ka caawiyay guulahoodii Euro iyo koobka adduunka.
Waxa uu Spain u saftay 111 kulan, lakiin da’diisa oo kor u sii socota darted uma muuqato inuu fursad heli doono afar sanno ka dib iyadoo ay soo baxayaan da’ yar booskiisa buuxin karta.