
Inter Milan,Anzhi Makhachkala iyo Monaco ayaa waxaa dalabkooda u soo bandhigeen laacibka reer Portuqal isagoo doortay in uu sii joogo magaalada London.
Bosingwa ayaa waxa uu ku soo biirey kooxda Chelsea afar sano kahor iyadoo ay ku kacday qiime dhan £16million waxana uu kula guuleystey kooxda Chelsea koobab badansida Champions League, Barclays Premier League, saddex FA Cups iyo Community Shield. Bosingwa ayaa waxaa hore ugaga mid ahaa kooxdii Porto ee ku guuleysatay horyaalka Yurub ama Champion League sanadkii 2004.
Inkastoo uu ka mid yahay daafacyada waaweyn ayaa hadaba 29jirkan waxaa uu dhaleecyen badan kala kulmay kooxda Stamfor Bridge intii uu la joogay, waxana markii dambe uu halgan u galay sidii uu booskiisa u xejisan lahaa