
Goolhayahan reer Brazil ayaa u ahaa kooxda Inter xubin muhiim ah labo sano kahor xilligaa oo ay ku guuleysatay horyaalka Talyaaniga iyo horyaalka qaarada Yurub.
Goolhaye Samir Handanovic ayaa ay kooxda Inter Milan kala soo wareegtay kooxda Udinese waxaana Cesar loo oggolaaday in uu la hadli karo kooxaha kale.
Balse kooxda Tottenham ayaa si weyn loola xiriirinayay 32jirkan waxaase la fahamsan yahay hadda in QPR ay wadahadalo la bilowday goolhayihii Inter.
Agaasimaha dhinaca farsamada kooxda ka dhisan Galbeedka London Mike Rigg ayaa wadahadalo la bilaabay wakiilada Cesar si uu uga dhaadhiciyo in uu yimaado Cesar garoonka Loftus Road.
Warkan ayaa imanaya kadib maalmod markii kooxda QPR loogaga badiyey 5-0 garoonkeeda kulankii ugu horeeyey ee ay ciyaaran horyaalka Ingiriiska.
Guuldaradan ayaa sidoo kale tababare Mark Hughes waxa ay ku qasabtay in uu dib u fiiriyo daafaca kooxdiisa, waxana uu wadahadalo la bilaabay daafacyada Dawson ee Tottenham iyo Carvalho oo ka tirsan Real Madrid.
Hase yeeshee waxaa dib u dhac ku yimid wadahadalkii u dhexeeyey QPR iyo Dawson kadib markii ay isku afgaran waayeen xiriirka gaarka ah ee ka dhexeyn doono labada dhinac.