
Labo gool oo dhashay shan daqiiqo gudaheed ayaa isbedel ku keenay ciyaarta, iyadoo Juve ay nasasiisay qaar ka mid ah ciyaartoydeedii u safartay London bartamihii isbuucaan.
Mirko Vucinic ayaa qeybtii hore shabaqa soo taabtay lakiin goolkiisa waa la diiday madaama uu offside ahaa, halka kubad madax aheyd oo uu tuuray Giorgio Chiellini laga soo celiyay xariiqda goolka ka hor inta uusan Quagliarella goolasha dhalin.
Guushaan ayaa waxa ay ka dhigeysaa inay hogaanka ku heyso kooxda difaacaneysa horyaalka 12 dhibcood iyagoo wada badiyay afartii kulan ee ay ciyaareen.
Kulankaan waa kulan 43aad ee dhinaceeda dhulka loo dhigi la’ yahay Serie A kooxda Bianconeri.
Kulankii ka sii horeeyay kulankaan waxaa barbaro 1-1 ah ku kala baxay kooxaha Parma iyo Fiorentina.