
Weeraryahanka reer Colombia ayaa ciqaabay daafaca Chelsea oo uu ganaax kaga maqnaa John Terry, waxaana uu shabaqa la helay seddex kubadood oo cajiib ah isagoo mar kale cadeeyay inuu yahay mid ka mid ah dhameystirada adduunka ugu fiican.
Atletico Madrid ayaa u muuqatay qeybtii hore mid ku adag kubada counter -attack, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay iyadoo Atletico Madrid ay ku hogaamineyso seddexda gool ee uu u dhaliyay Falcao.
Daafaca reer Brazil Miranda ayaana ciyaarta hurdo u diray markii uu dhaliyay goolkii afaraad qeybtii labaad ee ciyaarta, gool uu dhaliyay Gary Cahill ciyaarta oo dhiman 15 daqiiqo ayaa aheyd wax kaliya ee ay sameyn kareen kooxda Roberto Di Matteo.
Guusha Atletico ayaa waxa ay ku dareysaa koobkoodii kale ee Super Cup ee ay qaadeen labo sanno ka hor markaasoo ay garaaceen Inter Milan kulankaan oo kale.