
21 jirkaan oo United kaga soo biiray Flumunense 2008dii ayaa saftay 12 kulan xilli ciyaareedkii hore, isagoo ku muteystay in looga soo yeero xulka qarankiisa bishii May ka dib dhaawcii Dani Alves.
Wakiilka daafacan Cassiano Pereira ayaa shaaciyay in Rafael oo ciyaaray kulamadii saaxiibtinimo ee Brazil ay la ciyaartay Argentina iyo Denmark, inuu ku faraxsan yahay inuu ku sii negaado kooxda islamarkaana uu ka ciyaaro koobabka Yurub.
Pereira ayaa u sheegay Globoesporte: “Rafael aad ayuu ugu faraxsan yahay inuu sii joogo United, kuwaasoo ah mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn kubaad cagta, islamarkaana mar kasta ka ciyaarta koobabka ugu waa weyn Yurub”.
Rafael walaalkiisa Fabio ayaase xaalkiisa uu sidaasi ka duwan yahay, haatana kuma jiro qorshaha Sir Alex Ferguson ee kooxda waa weyn.
Waxaa Pereira uu sidoo kale sheegay in tababaraha reer Scotland uu u ogaaladay ciyaaryahanka reer Brazil inuu si amaah ahaan ah ugu dhaqaaqo kooxda QPR xilli ciyaareedka cusub si uu u helo qibrad.