
Ciyaaryahankan ka mid ah xulka Spain ayaa labo sano uu ugaga dhinaa heshiiskiisi hore ee uu kula joogay kooxda haysata koobka La Ligaha.
Si kasta ha ahaatee, xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa ciyaaryahankan waxa uu saftay ciyaaro aan badnayn, waxayna taas keentay in lala xiriiriyo in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Real Madrid.
Albiol ayaa 63kulan u saftay saddex xilli ciyaareed ee uu ka mid ahaa isagoo kula guuleystay hal horyaal oo ah kii dhamaaday.
26-jirkan ayaa ka soo tegey Valencia isagoo markaas ku yimid 15 million euros bishii June 2009,waxana uu noqday mid ka mid ah halbowlaha daafaca Los Blancos kadib markii uu dhaawacyo ku maqnaaday Pepe.
Balse,xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayuu toban kulan kaliya saftay waxana uu u ahaa kaaliye ciyaaryahanada daafaca dhexe ka ciyaarta ee Ricardo Carvalho iyo Pepe.
Warar badan oo soo baxayay ayaa Albiol waxa ay la xiriirinayeen kooxo ka dhisan Europe oo ay ka mid tahay Liverpool, balse waxa uu hadda soo dhamaaday wararkaas kadib markii loo kordhiyey heshiiska kooxda sagaalka jeer ku guuleysatay horyaalka Yurub.