
Ray Parlour ayaa aaminsan in bixitaanka kabtan Robin van Persie uu ku biirayo Manchester United inay dhabarjab ku tahay kooxda Arsenal.
Waxaa shalayto lagu dhawaaqay in labada kooxood ee Ingariiska ah ay ka heshiiyeen saxiixa weeraryahanka, iyadoo ciyaaryahanka uu maanta oo khamiis ah tijaabada caafimaadka u marayo Manchester United.
Heshiiskaan ayaa ka dhigeysa in Arsenal ay weyso kabtankii afaraad muddo 7 sanno gudaheed ah, isagoo raacaya wadadii Patrick Viera, Thierry Henry iyo Cesc Fabregas, waxaana Ray Parlour uu qabaa inay dhabarjab weyn ku tahay kooxdiisii hore.
Isagoo u hadlayay talkSPORT waxa uu yiri: “Sannado ayaa laga yaabaa markii ugu danbeysay ee ay Arsenal ciyaaryahan ka iibiso Manchester United, waxaan u malaynayaa ciyaaryahankii ugu danbeysay ay ka iibiso waxa uu ahaa Frank Stapleton [in 1981].
“Mar walba waxa ay ahaayeen kooxda ugu weyn ee aan la xafiiltano, waana ogahay inaan ciyaaryahano badan ka iibinay Manchester City lakiin Manchester United ayaa aheyd mar walba kooxda aan la xafiiltano, ma aanan dooneynin inaan caawino.
“Dhabarjab weyn ayay ku tahay Arsenal lakiin waxaan rajeynayaa lacagta aan ka helno heshiiskaan in Arsene Wenger uu maanta ku hayo ciyaaryahankii uu ku bedeli lahaa”.
Wenger ayaa xagaagan mashquul ku ahaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, isagoo soo iibiyay labo weeraryahan Lukas Podolski iyo Olivier Giroud oo kaga soo biiray kooxaha Koln iyo Montpellier.