
Domenech ayaa sheegtay in France ay si sahlan ku garaaci doonto England
furitaanka Euro 2012, isagoo sabab uga dhigay in Ingariisku uusan laheyn wax
tayo ah.
Labada
xul ayaa ku kulmi doona kulanka ugu horeeya ee Group D 11ka bisha June, waxaana
tababarihii hore ee France uu yiri: “Kulanka aan la ciyaareyno England waxa uu
noqon doonaa mid sahlan, madaama aysan laheyn wax tayo ah”.
“Ka
dib waa inaan iska ilaalinaa guuldarro naga soo gaarta Ukraine, markaasna waxaan
u gudbi doonaa wareega xiga. Waxaan France ku darayaa xulalka ugu cadcad
koobkaan, waana aaminsanahay midaas” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Ugu
yaraan waa inay gaaraan semi-finalka” ayuuna hadalkiisa ku koobay.
Domenech
ayaa heshiis afar sanno ah loo kordhiyay markii uu France geeyay finalka koobkii
adduunka ee 2006, waxaana uu ku sii negaaday shaqadiisa inkastoo Euro 2008 ay si
xun ku hareen.
Lakiin
koobkii adduunka ee South Afrika ayaa keentay inuu shaqadiisa ku waayo, ka dib
natiijooyin xun xun iyo dagaal ka dhex dhashay xulkii France ee uu markaas
hogaaminayay.
Waxaa
shaqada tababaraha xulka France kala wareegay Laurent Blanc oo tan iyo markii uu qabtay natiijoyinka
xulka France ay noqdeen kuwa fiican, guushoodii dhawaan ay 2-1 kaga badiyeen
Germnay ayaa ka dhigeysa in France aan dhinaceeda dhulka la dhigin 18kii kulan
ee ugu danbeysay ee ay ciyaareen.