
Kooxda ka dhisan Serie A ayaa si aad ah u dooneysa inay ciyaaryahanka reer Brazil ku soo celiso San Siro xagaagan, waxaana ay wadahadalo la galeen wakiilka ciyaaryahanka oo ay kala hadleen suurtagalnimada heshiiskaan.
Si kastaba, dhaqaale xumida Rossoneri ay haatan ku jirto ayaa xaalada sii cakirineysa, waxaana ay Milan dooneysaa inay amaah kula wareegto Kaka iyadoo aan wax lacag bixin, halka sidoo kale ay codsadeen in boqolkiiba 50 mushaharka ciyaaryahanka inay bixiso Real Madrid.
Los Blancos ayaan xiiseyneynin heshiis sidaas oo kale, lakiin waxa ay diyaar u yihiin inay ciyaaryahanka reer Brazil ku fasaxaan iibsasho toos ah.
Wadahadalada u dhaxeeya labada kooxood ayaa sii socon doona maalmaha soo aadan, waxaana kooxda heysata horyaalka La Liga ay u sheegi doontaa Milan inay miiska soo saarto dalab dhab ah si wadahadalada ay ugu gudbaan heer kale.