
Ciyaaryahanka adduunka ugu qaalisan Cristiano Ronaldo, ayaa hogaamin doona ciyaartoyda kale ee reer Portugal sida Pepe iyo Fabio Coentrao, waxaana ay ka horimaan doonaan qaar ka mid ah saaxiibadooda xulka Spain maalinta arbacada, ka hor inta aysan Mesut Ozil iyo Sami Khedira aysan Germany u soo safan kulanka ay qamiista Warsaw kula ciyaarayaan Italy.
Iker Casillas, Alvaro Arbeloa, Sergio Ramos, Raul Albiol iyo Xabi Alonso ayaa iyagana ku jira xulka Spain, iyadoo ay ku wehliyaan ciyaartoyda Barcelona Victor Valdes, Gerard Pique, Andres Iniesta, Xavi, Sergio Busquets, Cesc Fabregas iyo Pedro.
Labada kooxood ee Barca iyo Real ayaa ah kuwa inta badan ay ka soo baxaan ciyaartoyda ay ku dhisan tahay xulka qaranka Spain, waxaana taasi ugu wacan dhaqaalaha xad dhaafka ah ee ay helaan marka loo fiiriyo kooxaha kale ee La Liga.
Real iyo Barca waxa ay qaateen kala bar lacagtii xuquuqda TV-ga ee xilli ciyaareedkii dhamaaday oo gaareysa 640 milyan euro, sida uu sheegay bishii April proffeser wax ka dhiga jamaacada Barcelona oo la yiraahdo Jose Maria Gay.
Barca ayaa xuquuqda TV-ga waxaa ka soo gashay La Liga xilli ciyaareedkii dhamaaday 163 milyan euro, halka 156 milyan euro ay ka soo gashay Madrid, 42 milyan euro waxaa ay ka soo gashay kooxda kaalinta 3aad ee Valencia.
Waxaana ay labada kooxood ee Spain ugu waa weyn ay ka caawineysaa inay soo iibsadaan ciyaartoy adduunka ugu fiican, siiba ciyaartoyda reer Spain ee ugu ilqabadka wanaagsan.