
Los Blancos ayaa hogaanka ciyaarta qabatay qeybtii hore hase yeeshee qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa wax walba is bedeleen oo kooxda Gatafe ay labo gool ka dhaliyeen Real Madrid kadibna shabaqooda daafacday.
Kulankan oo ahaa kii labaad ee Mourinho dhalinyaradiisa ciyaaraan horyaalka La Ligaha ayaanay wax guul ah weli ka gaarin iyadoo kulankii horena ay barbaro ku dhamaysteen.
Ciyaarta oo socotay 15 daqiiqo ayay gool iska qasaariyeen Real Madrid kadib markii Ronaldo Ozil iyo Ronaldo ay kubado isku taabsadeen markii dambe Ozil uu ka helay meel aan waxbadan ka fogeyn shabaqa Getafe balse birta ku dhuftay.
Hase ahaatee markii ay ciyaartu socotay 30 daqiiqo ayuu Angel Di Maria kubbad u dhex dhigey meel ciriiri ah saaxibkiis Higuain waxana uu Higuain uu kubbadii la dhaafay daafaca iyo goolhayaha Getafe isagoo shabaqa oo aan cidna ka xigin cusjiyey kubbada.
Getafe ayaa qeybtii dambe ee ciyaarta dardar culus la soo baxday waxayna daqiiqadii 53aad ay keeneen goolkii barabaraha. Waxaana goolkaa uu ahaa mid uu gudub u soo dhigey
Abdel Barrada Juan Valera ayaana madaxa ku dhaliyey.
Ronaldo ayaa dhowr mar isku dayay in uu laadad xoog leh ku shuudo goolka Getage hase yeeshee goolhaye Moya ayaa waxbadan difaacay.
Jose Mourinho ayaa wuxuu soo geliyey ciyaarta Karim Benzema isagoo bedelay Diarra hase yeeshee booska banaanaaday ayay ka faaideysteen Getafe waxayna dhaliyeen goolkii labaad iyadoo ciyaarta ka dhiman tahay 15 daqiiqo.
Adrian Colunga ayaa xowli ku soo dhaafay Albiol waxana uu kubbada u dhigey Barrada oo taabasho kaliya ku dhaliyey goolkii guusha ee Getafe.
Albiol oo la murmay garsooraha isagoo ku cawday in gacanta uu ku qaatay Colunga ayaa calaamada hurdiga ah loo taagay.
Natiijadan ayaa ka dhigtey Real Madrid inay kaalinta 14aad soo fariisato iyadoo hal dhibic leh, Kooxda Getafana guusheedii koowaad ayay gaartay waxayna leedahay saddex dhibcood.