
Daafaca Real Madrid ayaa bartamihii qeybta labaad uu dhaawac soo gaaray kulankii ay Spain barbaraha 1-1 la gashay France ee ka dhacay xalayto Vicente Calderon, waxaana xiriirka kubada cagta Spain uu xaqijiiyay in 29 jirkaan laga yaabo inuu maqnaado labo ilaa iyo seddex isbuuc.
Waxa uu dhaawaca yahay ayaan weli la aqoon, laakiin maqnaanshiyaha daafacihii hore ee Liverpool ayaa hubaashii ka sii careysiin doonta tababarihiisa Jose Mourinho.
Tababaraha reer Portugal ayaa arkay iyadoo Marcelo, Fabio Coentrao, iyo haatan Arbeloa oo dhaawac uu ku soo gaarayo ciyaaraha caalamiga.