
Kulankan ayuu Jose Mourinho waxaa uu 11ka ugu horeeya hal mar soo wadageliyey Modric iyo Ozil isagoo kursiga keydka geliyey Xabi Alonso sidoo kale waxaa uu ciyaarsiiyey daafaca Varane isagoo fariisiyey Arbeloa.
Hase yeeshee Real Madrid ayaa waxaa gool loogaga naxsaday daqiiqadii kooxda Real kadib markii uu weeraryahanka kooxda Deportivo daqiiqadii 16aad uu kubbad la dhex maray daafaca Real kadibna daba mariyey goolhaye Casillas.
Hase yeeshee kooxda Real Madrid ayaa weeraro isdabajoog ah oo ay qaaday kadib waxaa u suurtogashay in daqiiqadii 23aad ay hesho rigoore kadib marki iqalad lagu galay weeraryahankooda Di Maria waxaana rigoorahaas u dhaliyey Ronaldo.
Balse isla qeybtii hore ee ciyaarta ayaa daqiiqadii 38aad ayuu Di Maria goolkii labaad u dhaliyey Real Madrid. Daqiiqadii 43aad ayay gool saddexaad dhaliyeen Real Madrid kadib markii uu kubbad uu soo tufay goolhaya Deportivo uu Ronaldo ka faa’ideystey kana dhigey 3-1.
Qeybtii hore ayaa waxaa ay ku dhamaatay 3-1 oo ay ku hogaaminayso Real Madrid.
Waxa uu Mourinho markii ugu horeysey xilli ciyaaredkan kulan rasmi ah soo safay Kaka oo soo galay bilowgii qeybtii dambe ee ciyaarta.
Waxaana kooxda Real Madrid ay qeybtii dambe dhalisey labo gool oo mid kamid ah uu ahaa rigoore uu u dhaliyey Ronaldo iyo gool kale oo uu madaxa ku dhaliyey Bebe.
Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey saddexleydiisii 16aad intii uu u ciyaarayay kooxda Real Madrid caawa.
Kulamada kale ee horyaalka Spain ee la ciyaaray maanta ayaa waxaa kooxda Granada ay 2-1 ugaga badisey Celta de Vigo halka ay Valladolid ay 6-1 ugu awood sheegatay kooxda Rayo Vallecano sidoo kale Osasuna ayaa kooxda Levante ka dhalisey afar gool iyadoo aan shabaqeeda la soo taaban.