
Real Madrid ayaa gaartay guushoodii 100aad ee Champions League, ka dib markii ay 3-2 ay ku dubteen kooxda Manchester City oo marti ugu aheyd Santiago Bernabeu, iyadoo guushaas uu ku hogaamiyay xiddigooda Cristiano Ronaldo.
Real Madrid ayaa qeybtii hore ee ciyaarta iska maamulaneysay, waxaana ay heleen fursadihii ciyaarta ugu badnaa, iyadoo Man City ay qeybtii hore uga mahadcelineysay Joe Hart inuu ka badbaadiyay in shabaqooda la soo taabto.
Samir Nasri ayaa dhaawac ahaan kaga baxay Man City ciyaarta oo socota 35 daqiiqo, iyadoo Real Madrid ay sii waday weerarkeeda ay ku waday goolka uu waardiyaha ka yahay Joe Hart, lakiin waa ay ku guuldareysteen inay shabaqa soo taabtaan waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 0-0 ah.
Qeybtii labaad ayaa bilowgeedii aysan waxba iska bedelin, iyadoo Real ay aheyd kooxda dooneysay inay mar walba weerar qaado, laakiin City ayaa si lama filaan ah hogaanka ciyaarta ku qabatay daqiiqadii 68aad.
Yaya Toure oo ahaa ciyaaryahankii sida fiican uga dhex muuqday City ayaa kubad fiican u dhigay Dzeko oo bedel ku soo galay kaasoo isna si hubanti ah u daba mariyay goolhaye Iker Casillas.
Ka dib fursad qatar oo Yaya Toure ka qasaariyay City, islamarkaana Marcelo uu ka badbaadiyay, ayaa isla daqiiqad ka dib uu Marcelo fursad fiican helay isagoo kubad uu si fiican u qabeeyay ay wax yar taabatay Javi Garcia taasoo shabaqa si habsami leh u gashay.
Laakiin Man City ayaana sina ku niyad jabin waxaana ay hogaanka ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 85aad markii Aleksandar Kolarov oo bedel isna ku soo galay uu laad xor ah oo sidiisa ah daba mariyay goolhaye Iker Casillas.
Islamarkiiba Real Madrid jawaab ayay ka bixisay, ka dib markii Di Maria uu kubad qatar ah u dhigay Benzema oo isna bedel ku soo galay kaasoo meel ciriiri ah shabaqa ka geliyay.
Real Madrid ayaana dhamaadkii ciyaarta seddex dhibcood xaqiijisatay ka dib markii xiddigooda Ronaldo uu shabaqa ku hubsaday goolka guusha taasoo uu qalad ku lahaa goolhaye Joe Hart.
Ronaldo ayaana guul ku hogaamiyay Real Madrid kulankoodii ugu horeeyay ee Champions League, waxaana uu dhaliyay goolkiisii 39aad ee Champions League isagoo seddex gool kaliya ka yar goolasha ay dhamaan isku dar ciyaartoyda City ka soo dhaliyeen Champions League.
Waa guushii 100aad ee Champions League ee ay gaarto kooxda Real Madrid, waxaana ay ku gaartay garoonkeeda Santiago Bernabeu.
Dhinaca kale Borussia Dortmund ayaa iyadana waxa ay 1-0 ku dubatay kooxda Ajax.
GROUP B
Arsenal ayaa gool looga hormaray waxa ay ku bedeshay labo gool ciyaar hal dhinac aheyd oo marti loo ahaa kooxda ay ugu horeyso xilli ciyaareedkan Champions League ee Montpellier.
Kooxda heysata horyaalka Faransiiska iyada ayaa ku hormartay goolka daqiiqadii 9aad markii ay heleen fursad rigoore ah, Belhanda ayaana si qatar oo cajiib ah u dhaliyay rigoorada, isagoo isticmaalay taatikada rigoore ee Panenka.
Younes Belhanda ayaa ah ciyaaryahan ugu horeeyay ee Moroccan ee gool ka dhaliyay Champions League tan iyo markii Marouane Chamakh uu u dhaliyay Arsenal bishii October 2010.
Arsenal ayaana goolkaasi ka jawaabtay markii uu goolka barbaraha u dhaliyay Podolski oo shabaqa ku hubsaday goolkiisii 3aad ee seddex kulan daqiiqadii 16aad ee ciyaarta.
Labo daqiiqo ka dib Arsenal ayaa hogaanka qabatay markii Gervinho kubad shabaqa ku hubsaday, waana goolkiisii ugu horeeyay ee Champions League.
Dhinaca kale kooxda Schalke ayaa iyadana waxa ay 2-1 dirtay kooxda Olympiakos. Iyadoo Huntelaar uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan ee Champions League ee rigoore qasaariya.
GROUP C
Kooxda Malaga oo dhaqaale darro ay heysato ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareedkeedii ugu horeeyay ee Champions League si aad u wacan ka dib markii ay 3-0 ku suuldaareen kooxda reer Russia ee Zenit.
Malaga oo ah kooxdii 13aad ee Spain ah oo ka qeybgasha Champions League ayaa hogaanka ciyaarta waxaa u dhiibay daqiiqadii 3aad ciyaaryahan Isco, isagoo noqday ciyaaryahankii daah furay goolasha Champions League xilli ciyaareedkan.
Goolkooda labaad oo dhashay 10 daqiiqo ka dib ayaa waxaa u saxiixay ciyaaryahan Javier Saviola, oo koobkaan Champions League u ciyaaraya kooxdii shanaad.
Isco ayaana u seddexeeyay kooxda Malaga daqiiqadii 26aad, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta.
Kooxda AC Milan ayaa iyadana tababar u weysay inay natiijo fiican ka heshay kooxda Anderlecht oo marti ugu aheyd San Siro.
Waxaana qeybtii hore ay Milan iyo Anderlecht ku kala mareen barbaro 0-0 ah.
Qeybtii labaad waxba isma aysan bedelin, waxaana Milan 90kii daqiiqo ciyaarta loogu dhameeyo barbaro 0-0 ah oo ay ku galeen San Siro kulankoodii ugu horeeyay xilli ciyaareedkan ee Champions League.
GROUP A
Kooxda lacagta badan ee Paris Saint-Germain ayaa si xun u gashay kooxda Dyanamo Kiev ka dib markii ay ku garaaceen 4-1 ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Paris.
Zlatan Ibrahimovic ayaa gool rigoore ahaa ugu furay goolasha kooxda PSG, waxaana uu dhigay rikoor cusub isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee lix kooxood oo kala duwan shabaqa u soo taabta tartankaan, isagoo goolal u soo dhaliyay sidoo kale Ajax, Juventus, Internazionale, FC Barcelona iyo AC Milan.
PSG ayaa hogaanka sii dheereysatay daqiiqadii 29aad waxaana shabaqa u soo taabtay ciyaaryahan kale oo AC Milan u soo ciyaaray Thiago Silva oo kulankiisii ugu horeeyay ee PSG ee CL isna ciyaarayay.
Alex oo isna ah ciyaaryahan isna xagaagii ay ka soo qaateen Chelsea ayaa goolkii 3aad u dhaliyay daqiiqadii 32aad ka dib markii kubad kooner aheyd uu sideeda kula qabtay.
Qeybtii hore ayaa waxaa lagu kala nastay 3-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda PSG.
Dhamaadkii qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa hal gool ay dib u soo ceshteen kooxda Dynamo Kiev.
Pastore ayaana goolasha soo xiray daqiiqadii 90aad markii uu PSG u dhaliyay goolkoodii 4aad.
Dhinaca kale kooxda FC Porto ayaa iyadana 2-0 ugu qubeysay kooxda Dinamo Zagreb oo marti loo ahaa.
Hogaanka ayaa waxaa u dhiibay dhamaadkii ciyaarta ciyaaryahankii hore ee Marseille Lucho Gonzalez, kaasoo dhaliyay goolkiisii 15aad ee Champions League.
Waxaa dhamaadkii ciyaarat goolka labaad u saxiixay Defour.