
Andre Villas-Boas ayaa isku dayay sanadkii hore markii uu tababarayay Chelsea in uu keeno Stamford Bridge Coentrao oo 24jir ah, sidoo kale waxa uu doonayay in uu heshiiska Modric uu ugu wareegay Luka Modric uu ku daro Coentrao.
Coentrao ayaa labo kulan oo qura u saftay xili ciyaareedkan kooxda Real.
Bale ayaa heshiis shan sano u saxiixay kooxdiisa bishii August balse Real ayaa la diyaar ah inay lacag badan ka bixisio.
Guddoomiyaha Tottenham Daniel Levy ayaa la sheegay in uu dagaal u geli doono sidii uu kooxda ugu sii hayn lahaa Bale.
Kooxda Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan kala soo wareegtay naadiga Tottenham ciyaaryahankeeda Luka Modric .