
Sida laga soo xigtay Abc Los Blancos ayaan dooneynin in gabi ahaanba ay meesha ka saarto magaca madaxweynahoodii hore Santiago Bernabue, lakiin kama soo horjeedaan fekerka ah inay kula lamaanan magaca shirkad xayaysiin loo sameynayo.
Emirates oo dhawaan xayaysiin maaliyada ah la gashay Real Madrid ayaa haatan u soo bandhigeysa heshiis kale oo 53 milyan euro sannadkii ah si magaca mid ka mid ah garoomada ugu caansan kubada cagta adduunka loogu bixiyo ‘Fly-Emirates-Bernabeu’.
Sida ay haatan wax yihiin, shirkada diyaaradaha ee Dubia ayaa waxa ay leedahay xuquuqda magaca garoonka Arsenal, waxaana astaantooda lagu xardhi doona maaliyada Real Madrid wixii ka danbeeya 2013.
Garoonka Santiago Bernabeu waxaa la furay 1947dii, waxaana la balaariyay 2011, waxaana uu haatan qaadaa 84,454.