
Ciyaaryahanka daafaca dambe uga ciyaara kooxda Blues ayaa waxaa Santiago Bernabeu uga gacan haatinaaya macalinkii hore ee kooxda Chelsea Jose Mourinho.
Laakiin wakiilkiisa Vlado Borozan ayaa qeexay in Ivanovic uu ku faraxsan yahay inuu ka sii mid ahaado kooxda dhawaanahaan ku guuleysatay FA Cup iyo Uefa Champions League-ga.
“Ivanovic wuxuu dheereeyey qandaraaskiisa ilaa 2016ka wuxuuna doonayaa inuu sii joogo ilaa waqtigaas” ayuu yiri Vlado Borozan.
“Chelsea waxay dooneysaa inay ceshato ciyaaryahanka isna qorshaha uguma jirto inuu ka tago Stamford Bridge.”