
24 jirkaan ayaa qandaraaskiisa uu socon doona ilaa iyo 30ka June 2018, sida ay ku dhawaaqday Real Madrid. Faahfaahin kale oo heshiiska ku saabsan lama shaacinin.
Waa markii labaad oo horumarin lagu sameeyo qandaraaskiisa labadii bilood ee u danbeysay, markaasoo loo kordhiyay mushaharkiisa islamarkaana laga soo qaaday 2 milyan euro sannadkii loogana dhigaya 3 milyan euro sannadkii bishii June.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaaraya ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay heshiiska cusub ee uu saxiixay isagoo yiri:
“Aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah kooxda waxa ay ii kordhisay shaqada aan sameynayo. Waxaan dareemayaa in ay taageerayaan oo ay i jeclaadeen kooxda iyo taageerayaasha”.
Di Maria ayaa Los Blancos kaga soo biiray Benfica bishii June 2010 waxaana uu markaasi ka dib u saftay 83 kulan, isagoo qeyb libaax leh ka qaatay hanashada horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkii hore.