
Kooxda heerka labaad ayaa ku dhawaaqday warkaan xalayto, waxaana la rumeysan yahay in ciyaaryahankii ka soo baxay akadeemiga Rayo Vallecano inuu u saxiixay heshiis afar sanno ah kooxda Los Blancos.
“Cordoba CF iyo Real Madrid ayaa gaaray heshiis ku aadan saxiixa Borja Garcia” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay kooxda Andalusia.
“Sidaasi darted, Borja oo kooxda yimid bilowgii xilli ciyaareedkii hore, waxa uu si rasmi ah u noqday ciyaaryahanka Madrid ah. Cordobo CF waxa ay u rajeyneysaa mustaqbal wanaagsan”.
21 jirkaan Garcia ayaa ka sii ciyaari doona horyaalka heerka labaad ee kooxda Real Madrid Castilla, lakiin waxa la filayaa inuu kooxda waa weyn ee Real Madrid ku soo biiro xilli ciyaareedka kale ee soo socda.