
Kulankan oo markii hore loo qorsheeyey in habeenimadii Axada la ciyaaro ayaa dib loo dhigey muddo 24 saacadood ah kadib markii mas’uuliyiinta garoonka ay ay awoodi waayeen inay qeybo kamid ah garoonka korontadeeda ay daaraan kadib markii ay cilad gashay.
Real Madrid oo u muuqatay in ay isbedel uu ku yimid kulamadii ay ku ciyaari jirtey meel aan garoonkeeda ahayn ayaa waxa ay la ciyaartay kooxda Rayo Vallecano.
Real ayaa waxa ay guuldaro kala kulantay labadii kulan ee ugu horeeyey horyaalkan oo aysan ku ciyaarin garoonkeeda. Hase yeeshee kulanka Rayo ayay hogaanka qabatay kadib markii uu Benzema uu u dhaliyey goolkii ugu horeeyey.
Hase yeeshee Real Madrid ayaa heshay gool kale kadib markii uu rigoore u laaday Ronaldo uu ka dhigey 2-0 taasoo xaqiijisey natiijada guusha Real Madrid.