
Kooxda difaacaneysa Champions League ee Chelsea ayaa hogaamineysa Group E waxaana kula wehliya kooxda Shakhtar Donestk ee dalka Ukraine, kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus, iyo kooxda ku cusub Champions League ee reer Denmark Nordsjælland.
Kooxda reer Portugal ee FC Porto ayaa hogamineysa Group A waxaana kula wehliya kooxda Dynamo Kiev ee dalka Ukriane, kooxda reer France Paris Saint-Germain, iyo kooxda Dinamo Zagreb.
Arsenal ayaa iyadana hogaamineysa Group B waxaa kula wehliya kooxda reer Jarmal ee Schalke, kooxda heysata horyaalka Greece Olympiacos, iyo kooxda heysata horyaalka Faransiiska Montpellier.
Kooxda labaad ee ugu guulaha badan Champions League AC Milan ayaa hogaamineysa Group C waxaana kula wehliya kooxda reer Russia ee Zenit, kooxda reer Belgium ee Anderlecht, iyo kooxda reer Spain ee ay ugu horeysay Champions League Malaga.
Kooxda ugu koobabka badan Champions League Real Madrid ayaa hogaamineysa Group D waxaa kula wehliya kooxda heysata horyaalka Ingariiska ee Manchester City, kooxda heysata horyaalka Holland Ajax, iyo kooxda heysata horyalka Bundesliga Borussia Dortmuud. Group D ayaana ah Group-ka dhimashada marka loo fiiriyo group-yada kale waxaana isku wehliyay kooxihii soo qaaday horyaalada Spain, Ingariiska, Germany iyo Holland.
Kooxdii soo gaartay finalka Champions League sannadkii hore Bayern Munich ayaa hogaamineysa Group F waxaana kula jira kooxda reer Spain ee Valecia, kooxda reer France Lille, iyo kooxda reer Belarus BATE.
Kooxda heysata afarta jeer Champions League Barcelona ayaa hogaamineysa Group G waxaana kula wehliya kooxda reer Portugal ee Benfica, kooxda reer Russia Spartak Moskva, iyo kooxda reer Scotland Celtic.
Manchester United ayaa hogaamineysa Group H waxaana kula wehliya kooxda reer Portugal ee Braga, kooxda reer Turkey Galatasaray, iyo kooxda CFR Cluj.
Ciyaaraha Champions League waxa ay bilaaban doonaan 18-19ka bisha September ee soo socota.
Waxaana finalka lagu qaban doonaa 25ka May 2013 garoonka magaalada London ee Wembley, iyadoo lagu sharfayo xiriirka kubada cagta adduunka ugu da’da weyn ee FA oo 150 sanno jirsanaya.