
Rooney ayaa ka muuqan waayay kulankii xalay iyadoo xulka Roy Hodgson ay ku dhibtoonayeen inay iska dhiciyaan Italy, waxaana xulka Cesare Prandeli ay aaqirkii ku badiyaan rigoore.
Waxaana Mancini uu dib u riixay dadka su’aal ka keenaya qeybtii uu ka qaatay Balotelli guushaas, ka dib markii uu uu qasaariyay fursado badan.
“Waxaan qabaa, malaha dad badan ayaa hoos u dhigaya wixii uu qabtay Balotelli” ayuu Mancini u sheegay Corriere dello Sport.
“Waxaa uu mar walba ahaa wadnaha ciyaarta, waxa soo martay shan ama lix fursadood, nasiib darro ayayna ku aheyd inuusan shabaqa soo taaban”.
“Lakiin waxaan dooneynaa inaan la barbardhigno Rooney, kaasoo aan ogaanay inuu ciyaarayo markii la isla gaaray rigoorada. Super Mario ayaa shaqo ka fiican tan Rooney qabtay, waana weeraryahan weyn waana inaan taageernaa”.