
Ciyaaryahanka reer Portugal ayaan qeyb ka aheyn qorshaha xilli ciyaareedkan ee Los Blancos waxaana lagu qasbay inuu tababar la qaato kooxaha juunyeerka Real Madrid ee B iyo C isbuucyadii u danbeysay.
Mourinho ayaa u ogolaaday Carvalho inuu ku soo laabto kooxda inteeda kale ka hor inta uusan xilli ciyaareedkan bilaaban, si uu ogaado dalabyada miiska u saaran.
34 jirkaan ayaa soo jiitay xiisaha kooxaha Milan, QPR iyo Galatasaray iyo kooxo kale oo ka dhisan Russia iyo China, inkastoo midkoodna aysan ku qancin inuu ka soo tago caasimada Spain.
Si kastaba, Mourinho ayaan u qarinin Carvalho inuu raadsado koox kale ama inuu tababar la sii qaato kooxaha juunyeerka Real Madrid.
“Ricardo qorshaheena kuma jiro, waxaan heysanaa afar daafac dhexe, lakiin waa ciyaaryahan aan qandaraas kula jirno waana inaan ixtiraamnaa taas.” ayuu Mourinho yiri ka hor kulankii lugta labaad ee koobkii ay ku guuleysteen ee Supercopa.