
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa loo iibiyay si ay dhaqaale u hesho Rossoneri bishii June 2009kii, lakiin waxa uu waayay qaab ciyaareedkiisii hore madaama uu dhaawac daashaday.
Sida ay qoreyso Corriere dello Sport, Kaka ayaa diyaar u ah inuu ka tago Madrid islamarkaana uu burburiyo qandaraaskiisa.
Waxaana wargeyska uu sheegayaa in kooxda reer Spain xitaa ay dani ugu jirto arintaas, madaama ay u harsan tahay seddex sanno oo ay mushahar ahaan ciyaaryahanka u siinayaan xilli ciyaareedkii 11 milyan euro.
Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in Kaka laga yaabo inuu bedelo Zlatan Ibrahimovic, kaasoo laga yaabo in laga iibiyo Madrid si ay dib u midoobaan isaga iyo Jose Mourinho oo Inter ku soo wada shaqeeyay.