
Daafaca Manchester United ayaa 81 kulan u saftay xulka England, waxaana laga soo tagay ciyaaraha Euro 2012 oo ay haatan England ka qeybgaleyso.
Waxa uu xitaa waayay fursad markii dhaawac uu xulka kaga baxay Gary Cahill, iyadoo tababare Roy Hodgson uu ka doorbiday daafaca da’da yar Martin Kelly.
Haatan oo uu 33 jir yahay, Ferdinand ayaa qirtay isagoo u waramayay jariirada The Sun inuu ka cabsi qabo in xilligiisa England uu soo dhamaaday:
“Waxaad dhihi kartaa mustaqbalkeygii ciyaareed ee xulka England waa uu soo dhamaaday. Hadii haatan aan la ii soo qaadaneynin, gaar ahaan iyadoo dhaawac uu jiro, waxa ay u badan tahay inaan dib danbe la iigu soo yeeri doonin xulka”.
“Waxaan mar walba dhahaa kama fariisanayo ciyaaraha caalamiga ilaa iyo inta aan kubada cagta ciyaarayo, welina go’aankeyga waa sidaasi. Weli waxaan diyaar u noqon doonaa inaan u ciyaaro xulka”.
“Waxaan daawan doonaa England, waxaana taageeri doonaa England sababtoo ah waa wadankeyga, waxaana doonayaa inaan meel fiican gaarno”.
Ferdinand ayaan waligiis ciyaarin koob Euro ah, wax koob ahna looguma soo yeerin tan iyo koobkii adduunka ee 2010, markaasoo uu dhaawac ka soo gaaray jilibka ka dib markii ay isku dhaceen Emile Heskey intii ay tababarka ku wada jireen.
“Waa inaan qirtaa ma aanan filaneynin in 2006 uu noqon doono koobkeygii ugu danbeeyay”.
“Waxaan rajeynayay inaan gaari doono ilaa 100 kulan – lakiin sababo badan oo jira darted ma aysan dhicin. Waa wax laga xumaado lakiin waxa ay ku tusineysaa in kubada cagta aadan wax walba isa siin karin”