
ay uga adkaan doonto Manchester City soo gabagabeyntii ay soo gabagabeeyeen
abaartii ka heysay koobkaan muddo 44 sanno ah.
Sky Blue ayaa ugu danbeyn gacmaha ku dhigtay horyaalka xilli ciyaareedkii
hore, waxaana Mancini uu doonayaa in ciyaartoydiisa ay isku dayaan inay
difaacdaan koobka horyaalka xilli ciyaareedka soo socda.
“Shaqo fiican ayaan sameynay labadii sanno ee ugu danbeysay, waxaana
rajeynayaa in shaqo taas ka fiican aan qabano shanta sanno ee soo socota” ayuu
Mancini u sheegay website-ka kooxda Manchester City.
“Lakiin ma nasan karno ama kuma fekeri karna madaama aan horyaalka ku
guuleysanay inaan nahay kooxda ugu fiican”.
“Aad ayay u adag tahay in horyaalka lagu guuleysto marka aad difaacaneyso.
Waxaan ka soo bilaabi doonaa sidii inaanan waxba ku guuleysan, waa inaan ilownaa
inaan ku guuleysanay horyaalka. Koox walba waxa ay dooni doontaa inay na
garaacdo, waana inaan u shaqeynaa si ka adag sidii hore”.
“Waxaan qabaa in afar ama shan kooxood ay horyaalka u tartami doonaan, lakiin
haatan ka hor inta uusan suuqa xirmin, waxaan qabaa in United iyo Chelsea ay
horyaalka nagula tartami doonaan”.