
Toure ayaa ka dhacay doorashada daafaca ee tababare Mancini tan iyo markii lix bilood lagu ganaaxay inuu isticmaalay dawooyin mamnuuc ah, waxaana lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda heysata horyaalka Premier League.
Haatan, tababarihiisa ayaa sheegay in daafaca uu go’aansan doono mustaqbalkiisa, lakiin waxa uu shaki geliyay in kooxda Turkiga ay awoodi karto mushaharkiisa.
“Kolo ayay jirtaa inuu go’aansado hadii uu doonayo inuu aado Bursaspor ama hadii kale” ayuu Mancini u sheegay The Sun.
“Si kastaba, miyay bixin karaan lacagta uu doonayo?” ayuu su’aal ka keenay Mancini.
Daafacii hore ee Arsenal ayaa ku bilowday sideed kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore, waxaana ciyaaryahanka xiiseynaya kooxda Turkiga ee Bursaspor iyo kooxda Suadi Arabia ee Al Hilal