
City ayaa u dagaalantay barbaro markii ay booqdeen Stoke xilli ciyaareedkii hore ka dib markii goolkii qatarta ahaa ee Peter Crouch uu hogaanka u dhiibay Stoke.
Inkastoo ay ku guuleysteen horyaalka ah, hadana labdii dhibcood ee ay Stoke kala hartay ayaa dhabar jab weyn ku noqotay markaas tababare Mancini, sidaasi darteed waxa uu haatan ku faraxsan yahay intaan la gaarin tartanka rasmiga ee hanashada horyaalka inuu kulankaan haatan dhaco.
Mancini ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Waxaan u baahanahay kaliya inaan ka fekerno Stoke sababtoo ah kuma guuleysan halkaas, waa garoon adag, lakiin waa wax fiican inaan kulankaan haatan ciyaaryahan halkii ay ka ciyaari laheyn dhamaadka horyaalka, sida sannadkii hore.
“Stoke waxa mid ka mid ah garoomada ugu xun ee Premier League, sababtoo ah waa adag tahay in halkaas lagu ciyaaro. Waxa ay yihiin koox adag.”